Meydka laba Dhalinyaro ah oo la soo dhigay xaafad ka tirsan Muqdisho

Meydka labada dhalinyarada ah oo jirkoda ay ka muuqato rasaas farabadan iyo dhiigbax ayaa waxaa saaka lagu arkay xaafada Carwa-idko ee degmada wartanabada sida ay sheegeen dadka xaafadaas.

Weli macadda dhalinyarada la dilay waxa ay ahaayeen, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in saaka waaberigii hore ay arkeen meydadka labada dhalinyarada ah oo dhowr xabadood lagu dhuftay ayna u maleynayaan in xalay ka dilay lana dhigay halkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka meydadka la soo dhigay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka,waxaana wlei jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas iyo sababta dadkaasi loo dilay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xumaaday amaanka Magaalada Muqdisho, waxana shalay kaliya la dilay in ka badan 7 ruux oo ay ku jireen Nabadoono Caan ah.