Laba qof oo hubeysnaa oo lagu dilay Faransiiska

Booliska ku sugan waqooyiga Faransiiska waxa ay toogteen laba qof oo hubeysnaa oo dhowr qof ku qafaashay Kaniisad ku taalla magaalada Rouen.

Wararka waxa ay sheegayaan in inta u dhexeysa afar illaa lix qof lagu haystay kKaniisadda gudaheeda.

Booliska waxay sheegeen in mid kamid ah dadka la afduubtay oo ahaa baadari 92-sano jir ahaa la dilay.

Qaar kamid ah dadka la afduubtay ayaa dhaawacmay, sida wararka qaar ay tilmaamayaan.

Dableyda weerarka qaaday illaa iyo hadda lama ogaan.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa hadda ku wajahay goobta uu weerarka ka dhacay.

Dhacdadan waxay imaaneysaa iyadoo laba isbuuc ka horn in gaari xamuul ah waday uu dilay 84 qof oo ka qeybgalysay mudaaharaad ka dhacayay magaalada Nice ee koofurta Faransiiska.