Laamaha amniga kala duwan iyo maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan Eedeysane Maxamed Cismaan Cabdiraxaan, oo degmada ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, talaadadii 25 bishan June, saacadda 2:30 AM.
Eedeysane Maxamed Cismaan ayaa iska baxsaday goobtii uu dilka ku geystay. Gudoomiyaha degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in eedeysanahaasi uu soo galay gacanta laamaha amniga.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa degmada Guriceel ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Ninka dilka geystay iyo Ninka uu dilay, taas oo ka dhalatay dilka, balse hadda xiisadaas ay dhamaatay.



