Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un walaalkii lagu dilay Malayshiya.
Kim Jong-nam ayay u muuqataa in uu u dhintay weerar sun loo adeegsaday oo lagu qaaday isaga oo jooga garoonka Kuala Lumpur Isniintii.
Illaa iyo hadda lama sheegin ujeedada laga lahaa dilkaas lamana aqoonsanin ciddii ka dambaysay.
Sarkaal u hadlay Booliiska Malayshiya ayaa sheegay in ay wali socdaan baaritanada lagu hayo dilka Kim Jong-nam
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang Kyo-ahn ayaa sheegay in haddii la ogaado in dilkaas ay ka dambaysay Kuuriyada Waqooyi ay taasi muujin doonto “arxandarrida iyo sida aan bani-adamnimada waafaqsanayn ee ay u dhaqmayso”


