DEG DEG: Qarax ka dhacay Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax miino oo dhulka lagu Aasay uu ka dhacay Magaalada Baledweyne.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in Qaraxa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Xaafadda Buundo Labaad ee Baledweyne.

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan oo inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaalada Baledweyne.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dhacay Baledweyne.

Faahfaahin kala soco Risaala.net