Kuuriya Koonfureed oo Mamnuucday in muwaadiniinteeda ay u safraan Soomaaliya

Dowladda Kuuriya Koonfureed  ayaa mamnuucday in loo safro dalal ay ka mid tahay Soomaaliya sababo la xariira ammaanka muwaadiniinteeda.

Dowladda Kuuriya Koonfureed  ayaa sheegtay in dalalka  Syria, Yemen, Libya, Somalia, Afghanistan ay uga digayso in ay u safraan muwaadiniinteeda.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada ee dalka Kuuriya Koonfureed  ayaa lagu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay taxadar dheeri ah ay ka muujiso  ammaanka muwaadiniinta dalkeeda  halka ay u safrayaan.

Wasaarada arimaha dibada Kuuriya Koonfureed  ayaa sidoo kale sheegtay in muwaadiniinta ka joogga dalalkaasi looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Dowladda kuuriya Koonfureed  ayaa horay muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka Soomaaliya.