DHAGEYSO: Haweeney caruur ay dhashay tuurtay oo gacanta lagu dhigay

Cadaado-RisaalaFM- Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen Haweeney xalay dhashay caruur ku tuurtay goob Qabuuro ah.

Dhame Cumar Macalin oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Degmaad Cadaado oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Haweeney xalay dhashay caruur ku tuurtay goob Qabuuro ah, kadib markii ay ku soo wargeliyeen dadweynaha.

Waxa uu sheegay caruurta yar ee lagu tuuray meesha Qabuuraha in ay ka soo qaadeen, oo ay u sameeyeen Gabdho caawiya oo caruurta Caano siiya.

Taliye ku xigeenka Booliska Degmaad Cadaado Dhame Cumar Macalin ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gabadha dhashay Ilmaha, Guriga ay deganeyd iyo Gabar kale oo caawineysay.