Kurdiyiinta Suuriya wadda heshiis isbahaysi

Kooxda Kurdiyiinta ee dalka Suuriya ayaa sheegaya inuu jirro heshiis la xiriira sidii loola wada dagaalami lahaa ciidamada Turkiga ee Suuriya dagaalka ka wada.

Dowladda Suuriya Dimishiq ayaa arrinkani ka hadlin oo wax war ah oo heshiiskani lagu xaqiijinayo kama uusan soo bixin

Sarkaal Kurdiyiinta u hadlay ayaa sheegay inay magaalada Afrin geli karraan maalmo gudahooda oo ay fariisimo ka samayn doonaan

Heshiiska la sheegayo ayaa sidoo kale waxaa laga soo xigtay koox Kurdiyiin ah oo Ciraaq jooga.

Bashar Alasad ayaa ciidamadiisa kala baxay degaanada ay Kurdiyiinta ka dagaalamaan ee Waqooyiga Suuriya sanadkii 2012-kii.

Kurdiyiinta ayaa sanado badan waxay raadinayeen madaxbanaani iyo inay ka go’aan Dowladdaha ay ku hoos nool yihiin