Italy iyo England ayaa caawa ku kulmaya garoonka Wembley kulan saaxiibtinimo oo ay qaranka sadexda libaax ugu diyaar garoobayaan koobka Aduunka ee bartamaha sanadkaan ka dhici doona Russia.
Tababaraha kumeel gaarka ah ee Italy Luigi Di Biagio ayaa caawa la filayaa inuu goolka kusoo bilaabo Gianluigi Donnarumma, waxaana si xan ah warkaan u baahiyay shabakadda Calciomercato.com.
Ciro Immobile ayaa rajeynaya inuu caawa kusoo bilowdo safka hore qaranka Italy, waxaana la filayaa Antonio Candreva iyo Lorenzo Insigne iney ku wehlin doonaan dhanka weerarka.
England:
Butland; Walker, Stones, Mawson; Trippier, Dier, Henderson, Young; Sterling, Vardy, Alli
Italy:
Donnarumma; Florenzi, Bonucci, Rugani, Darmian; Pellegrini, Jorginho, Parolo; Candreva, Immobile, Insigne



