Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa haatan uu kulan uga socdaa Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Saraakiisha Ciidamada ka howlgalla deegaannada Galmudug.
Kulan ayaa waxaa goobjoog ka ah dhamaan Saraakiisha laamaha amniga Sida Milatariga , Nabadsugida iyo Booliiska,waxaana ilo ku dhow kulanka ay sheegeen in looga hadlayo xaalada Amniga ee Galmudug iyo sidii Ciidamada uga fogaan lahaayeen waxkasta oo keeni kara xasilooni darro.
Sheekh Shaakir oo Ahlusunna u dooratey Madaxweyne ayaa aad uga soo horjeeda Madaxda Dowladu aqoonsan tahay Sida Madaxweyne Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa ,waxaana dhinacooda ay horay ula kulmeen saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ka howlgalla deegaannada Galmudug.
Kulankii ugu dambeeyey ee uu Madaxweyne Qoor Qoor la qaatay Saraakiisha Ciidamada Millateriga ayaa waxaa uu ku amray inay si awood ah uga hortagaan cidkasta oo abuureysa Amni darro.
Halkaan kala socda waxyaabaha kasoo baxa kulanka Sheekh Shaakir & Saraakiisha Ciidamada.