Kulan Muqdisho uga socda Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashooyinka dadban

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale labadiisa kuxigeen ayaa hadda kulan Muqdisho kula leh Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban.

Kulankaan ayaa lagu soo waramayaa in looga hadlaayo arimo ku saabsan doorashooyinkii xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale golaha shacbiga ee ka qabsoomtay qaar ka mid ah Caasimadaha dowlad goboleedyada iyo sidoo kale Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawi, Cabdiwali Ibraahim muudeey iyo Mahad Cabdalle Cawad ayaa lasoo sheegayaa in ay si wadajir ah guddiga ula leeyihiin kulanka.

Waxii kasoo baxa dib kala soco