Wafdi Gaaray Cadaado

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta ay halkaasi  gaareen Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale taliyaha ciidanka AMISOM.

Wafdigaan ayaa la shaacin u jeedka ay u gaareen Magaalada Cadaado , laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in ay doonayaan in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aysan ku lug yeelan qalalaasaha ka taagan Galmudug.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneral Cusmaan Nuur Subagle iyo sidoo kale taliyaha Ciidanka Xoogga Maxamed Axmed ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo kala duwan ay la qadan doonaan Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Cadaado.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiisha ciidanka xoogga ee qeybta 21-aad.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadda ku sugan Cadaado ayadoona Madaxweyne Guuleed uu joogga Muqdisho.