Kulan Gaalkacyo uga socda Puntland iyo Qaramada Midoobey

Wakiilka Gaark ah Qaramada Midoobey  u qaabilsan Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa  Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo kula shirsan waxgaradka iyo sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland.

Mcheal Keating ayaa lagu soo waramaya in uu kala hadlaayo waxgaradka gobolka Mudug qeybta Puntland khilaaf cusub oo soo gala dhex galay maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan qaabka loo wajahaayo colaada Gaalkacyo.

Wariyeyaasha ku sugan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa kusoo waramaya in kulanka uu yahay mid aan loo ogoleyn saaxaafada ,islamarkaana wariyeyaasha banaanka looga saaray.

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midowbay Micheal Ketaing ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu la kulmo  Madaxweynah maamulka Galmudug iyo sidoo kale waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo.