Kulan deg deg ah oo laga yeeshay saameynta ka dhalatay Roobkii da’ay

Kulan deg deg ah oo looga hadlayay khasaarihii uu geystay roobkii ka da,ay Magaalada muqdisho ayaa galabta lagu qabtay Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee G/Banaadir Cumar Cali Cabdi iyo Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa Dadkii uu u geestay khasaara roobka iyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa wadooyinkii ku Burburay  roobka.

Wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho ayaa ku burburay roobkii ka da’ay saacadihii la soo dhaafay ,waxaana Maamulka Gobolka Banaadir kaliya ay kusoo aruurtay Shaqadiisa balan aan la fulin.