Madaxda & Ururrada Saxaafada Somalia oo Cabasho u gudbiyay RW Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah Xafiiskiisa kula yeeshay madaxda Warbaahinta gaarka ah iyo Ururrada u dooda xuquuqda suxufiyiinta, kaas oo ay uga hadleen Arrimo dhowr ah.

Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ahna Agaasimaha Idaacadda Risaala Maxamed Cabdiwahaab oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in RW Kheyre ay u gudbiyeen tacadiyada iyo cabashooyinka saxaafadda gaar ahaan kuwiii dhacay Saddexdii sano iyo barkii uu dalka RW ka ahaa qaab qoraal iyo af intaba.

Cabashada loo gudbiyay RW Kheyre Kheyre waxaa kamid ah xayiraada dhinaca Qoraalka Wararka ee saaran Wariye Gurbiye, xariga xaqdarada ah ee Wariye Abuuja, iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo si awood ah ula wareegay dhamaan qalabkii Idaacadda Cityfm we ku taalla Jowhar oo uu leeyahay Wariye Cabdi Shakuur Shaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu ku garab taagan tahay gudashada waajibaadkooda Shaqo dhamaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Hayeeshee Xoghayaha SOMA Maxamed Cabdiwahaab waxaa uu rajo ka muujiyay in RW Kheyre uu cabashooyinka saxaafadda wax ka qaban doono sid uu balan qaaday.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa Saxaafada Soomaaliya waxaa loo geystay tacadiyo kala duwan, iyada oo qaar badan oo Wariyeyaasha ka tirsan laga hor istaagay Shaqadooda inay gutaan.