Ceel-berde-RisaalaFM- Degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool waxaa kulan ku yeeshay saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo maamulka degmadaasi, kaasi oo looga hadlayay ammaanka guud ee degmada.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la kala dhageystay warbixino la xiriira ammaanka guud ee degmada Ceel-berde iyo degaaanada ku dhow, iyo sidii loo xoojin lahaa Howlgalada ay wadaan Ciidamada.
Guddoomiyaha degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool C/risaaq Cumar Caweer oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay shirkan in uu ku saabsanaa ammaanka guud ee degmada iyo sidii loo dardar gelin lahaa.
“Shirkan wuxuu ku saabsanaa guud ahaan amniga degmada oo mudooyinkii ugu dambeysay heerka ugu fiican marayay, degmada Ceel-berde waa degmada ugu ammaan fiican, waana sii dardar gelin doonaa.” Ayuu yiri Guddoomiye C/risaaq.
Siid Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, magaalada Baydhabo.



