Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aragtidooda ka dhiibteen Xeerka Isgaarsiinta ee dalka oo shalay uu saxiixay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Waxay sheegeen qaarkood oo la hadlay Idaacadda Risaala in ay soo dhaweynayaan xeerka sharciga isgaarsiinta, oo ay sheegeen inuu anfacayo Ummadda Soomaaliyeed, muhiimna ay tahay in Dowladdu ay hagto.
Sidoo kale waxay sheegeen muddo isgaarsiinta in ay aheyd mid madax banaan, wixii hada ka dambeeyana ay soo dhaweynayaan in Dowladdu ay u hagto si qaranimo, ayna ku jirto nabadgelyada.
Madaxweyne Farmaajo oo shalay ka hadlayay Munaasabada uu ku saxiixay sharcigan ayaa sheegay in sharcigan aanu wax sahlan aheyn, islamarkaana shaqo aad u fara badan la geliyay, waxaana uu u mahadceliyay dhinacyadii gacanta ka geystay.
Xeerkaan ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in uu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale soo celintii hantidii Isgaarsiinta Qaranka.
Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee Baarlamaanka 10-aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigaan.


