DHAGEYSO: Faahfaahin Gaari Xamuul ah oo dad Shacab ah ku dilay Bakaaraha

Wararka ka imaanaya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in laba ruux halkaasi ay ku dhinteen, kadib markii gaari xamuul ah uu soo bareeg goostay.

Shilka labadan ruux ay ku dhinteen, ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa galeyda ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii labadan ruux oo meel fadhiyay gaariga uu jiiray.

Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ahaayee naafo, sida la sheegay Suuqa ka dawarsanaayay, iyaga oo mayd ah ayaana halkaasi laga qaaday.

Qof ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay gaari xamuulka ee Bareega soo goostay inuu ahaa nooca loo yaqaan tareel oo halkaasi looga dajinaayay agab saarnaa.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Hawlwadaag, ayaa durbadiiba tagay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana halkaasi ay ka soo xireen dadkii watay gaariga.

Ciidanka ayaa Saldhiga u kaxeeyay dadkii watay gaarigaasi si ay ugu sameeyaan baaritaan ku aadan shilka dhacay iyo dadka geeriyooday.