Hargeysa-RisaalaFM- Somaliland ayaa sheegtay inay il gaar ah ku eegayaan Saldhiga Militari ee dhawaan Dowladda Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho, iyadoo xariga uu ka jaray Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Xaaji Cali Cadami oo la hadlay warbaahinta ka hawlgasha deegaannada Somaliland ayaa sheegay inay la soconayaan dhaq dhaqaaqa Saldhiggaasi.
Wuxuu sheegay in cid walbo ay xaq u leedahay inay u yeerato cidda ay taageerada ka helayso, sameysatana waxa ay dhaqaale ku helayso, balse muhiim ay tahay inay la socdaan dhaq dhaqaaqa saldhiggan.
“Iswaydiinta ugu wayni waxay tahay Soomaaliya ma inay dalkooda ku aslaaxiyaan oo ay nabadgelyadooda ku dhistaan ayay u samaysteen saldhigan, mise Somaliland ayay u hub urursanayaan. Sidaas awgeed, innagoo aan cidna cadaw ku ahayn haddana is dhigan mayno oo waxa qayrkeen haysto waa in aynu helnaa.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland
“Soomaaliya iyaga duco kama filayno innagoo aan xumaan la doonayn ayaynaan haddana faro madhnaanayn oo dhismaha ciidankeenna oo meel fiican marayana waan sii xoojinaynaa, saldhiga Millatari ee Berberana hawshiisa deg deg ayaan u gudo gelayna,”ayuu yiri wasiirka.
Todobaadkii aynu ka soo gudubnay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah waxay xarigga uga jartay saldhig Militari oo ay ka furatay Magaalada Muqdisho.



