Carlo Ancelotti oo ku dhawaaqay waqtiga uu soo laaban doono

Carlo Ancelotti oo laga ceyriyay Bayern Munich ayaa sheegay inuu qaadan doono waqti nasiino ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan 2017-18.

Ancelotti ayaa laga ceyriyay shaqada tababare ee kooxda Bayern Munich Khamiistii ka dib markii kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan.

58 jirkaan ayaa lala xiriirinayay kooxaha Arsenal iyo AC Milan, laakiin waxa uu sheegay inuu fasax nasiin ah qaadan doono ilaa dhamaadka xagaagan.

“Waxaan fasax ka qaadan doonaa shaqada kubadda cagta 10ka bilood ee soo socota,” ayuu Ancelotti u sheegay saxafiyiinta.

“Ma aqaan kooxda cusub ee aan qaban dooono, laakiin waxaan diyaar u ah in aan soo laabto anigoo xoogan ayuu hadalkiisa ku daray.

Tababare Ancelotti ayaa muddo hal sanno ah ku qaatay kooxda Bayern Munich, isagoo kula guuleystay horyaalka xili ciyaareedkii 2016-17.