Kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah ayaa ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo la xiriira xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Daahir Shire, iyo Cali Jeyte ayaa magaalada ka wada kulamo siyaasadeed oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee Hiiraan iyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada siyaasadeed ee gobolka.
Dhanka kale, kulamo kale oo muhiim ah ayaa ka socda hoyga uu magaalada Beledweyne ka deggan yahay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, halkaas oo ay isugu imaanayaan xubno kala duwan oo ku lug leh arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha ka taagan Beledweyne, gaar ahaan mowqifka bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka ee ku aaddan maamulka Hirshabeelle iyo khilaafka kala dhexeeya hoggaanka dhaqanka ee beesha Xawaadle.



