Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee caaismadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa xalay ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxda maamul dowlad goboleedyada dalka jira, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirkooda.
Sidoo kale dhinacyadan ayaa isla soo qaaday xiriirkooda oo maalmihii dambe ahaa mid mad madow uu ku jiro, waxaana madaxda dowladda federaalka ay maamul goboleedyada ka dalbadeen in xiriirka dhankooda ay ka xoojiyaan.
Dhinaca kale Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen xoojinta arrimaha ammaanka iyo wada shaqeyn buuxda in lahelo.
Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa, shirkan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka.