Kulamo Caawa ka socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Cakiran ee ka taagan Muqdisho sidoo kale banaanbaxa ay ku dhawaaqeen Musharaxiinta maalinta Jimcada ah.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa caawa kulamo kala duwan oo ku saabsan sidii loo Dejin lahaa xaaladda Magaalada la leh Mas’uuliyiin kala duwan iyo waxgarad.

Mas,uuliyiintaas oo ay ka mid yihiin Agaasimayaal Wasaaradeed ayaa shir uga socdaa Guriga Wasiirka, waxaana ay ka wada hadlayaan qorshayaal lagu baajinayo bannaan baxa ay iclaamiyeen Midowga Musharaxiinta ee la qorsheynayo in maalinta jimcaha ka dhigaan Muqdisho.

Dhanka Midowga Musharaxiinta ayaa dhankooda waddo abaabul ku aadan Bananbaxa maalinta Jimcada ah lagu waddo in uu ka dhaco Muqdisho, waxaana ay sheegeen in banaanbaxa uu ka dhici doono sidii loogu tala galay.