Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa wali waxaa ka socda wadahadalo u dhaxeeya wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo waliba madaxda maamulka Puntland.
Kulamadan oo ah kuwo xasaasi ah ayaa waxaa si aad ah looga hadlayaa sidii maamulka Puntland loogu qancin lahaa qaadashada 4.5-ka oo horey ay isugu raaceen beesha caalamka, dowladda Soomaaliya iyo waliba qaar badan oo ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kulamada mararka qaar la isugu soo dhowaanayo mararka qaarna ay gaarayaan meelo xasaasi ah.
Qaar kamid ah Isimadda ayaa waxa ay sheegeen in aysan marnaba raali ka noqon doonin Nidaamkaas qaadashadiisa, qaar kamid ah ayaa soo jeediyey in mudo dheeraad ah loogu daro dawladda hadda jirta, hadii laga maarmi waayo, laakiin aysan marnaba qaadan doonin Nidaamka 4.5.