Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan dad bilooyinkii lasoo dhaafay cuduro kala duwan ugu geeriyooday Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla degmada Kaxda.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi ay u dhinteen cuduro kala duwan ,laakiin aysan jirin dadka Gaajo u dhintay.
Isku dar ahaan ayuu sheegay Gudoomiyaha degmada in dadka ku dhintay degmada Bilooyinkii lasoo dhaafay ay dhan yihiin 40 qof.
Saacaddahii lasoo dhaafay ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida waxa ay tabinaayeen in 15 qof Gaajo ugu dhinteen Kaxda , waxaana hadalkaasi beeniyay Gudoomiyaha Kaxda.
Waxaa uu sheegay in dadka ay haysato xaalad Caafimaad daro , laakiin lasiiyo cuntooyin kala duwan.



