Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar, waxaana ka mid ah Mas’uuliyiinta uu la kulmay Wasiirka Arimaha dibada dowladda Qatar.
Labadda Mas’uul ayaa waxaa ay ka wadda hadleen qodobo ay ka mid yihiin Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya Qatar, Amniga iyo sidoo kale taageerada dowladda Qatar ay siiso dowladda Soomaaliya.
Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Qatar oo la hadlay Warbaahinta kulanka ka dib ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay garab taagan dowladda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Qatar ay laba jibaari doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya.
Waxaana dalkaasi shir Caalami ah uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.



