Wararka inaga soo gaaraya degmada Boon-dheere ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow labo ruux lagu dilay agagaarka Isbitaalka Somali-Jermal ee degmada Boon-dheere.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay gaarigii ay wateen in ay ku hor jareen gaari kale kadibna ay halkaasi rasaas ugu fureen.
Dad goob joogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala usheegay in labo ruux halkaasi lagu dilay, iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn waxa ay yihiin dadka la dilay.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax udhaceen.


