Kooxo hubeysan ayaa Goor dhow Askari ku dilay Isgoyska Carwo Idko ee degmada Howlwadaag, waxaana ay ka qaateen Qorigii uu watay .
Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka , waxaa dilka geystay labo nin oo sitay qoryaha Fud fudud.
Raggii dilka gaystay ayaa si nabadgelyo ah meesha uga baxsaday.
Ciidamada Ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxaana halkaasi ay ka wadaan howlgallo kala duwan.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net


