Sannadkan wuxuu ahaa sannad qariib ah, kubada cagtana la mid ayay aheyd. Marka la eego hogaanka horyaalada ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan waxaad ku arkeysaa kooxo aan booskaas looga barinin sannadihii ugu danbeeyay.
Kooxaha sida Real Madrid, Barcelona, Juventus, Manchester United, Chelsea, Manchester City, Inter, Liverpool iyo Arsenal waxaa dhamaantood wadaagaan hal sheey waana inaysan aheyn hogaanka horyaaladooda.
Waxaa taas ka sii daran in seddex ka mid ah kooxaha sarre aan ku xusnay inay yihiin kooxaha heysta koobabka horyaalka ee dalalkooda.
Iyadoo kulamada ay yihiin kuwa aad isagu dhow dhow sababo la xiriira aafada cudurka Korona Fayras, waxaa hurdada ka soo kacay seddex kooxood oo waa weyn.
Atletico Madrid, Tottenham Hotspur iyo AC Milan ayaa hogaanka u haya horyaalka La Liga, Premier League iyo Serie A, mana aheyn mid laga filayay xagaagii.



