Ruug-caddaaga reer Brazil ee Dani Alves ayaa ka hadlay kooxda ay suurtogalka tahay inuu kaga fadhiisto ciyaaraha kaddib muddo 20 sannadood ah oo uu ciyaartoy caan ah ka ahaa dunida.
Difaacan Midig ee waqtiyada quruxda badan kusoo qaatay Sevilla, Barcelona, Juventus, PSG iyo hadda uu joogo kooxda ka dhisan waddankiisa ee Sao Paulo ayaa ku jira cunaanadka xirfaddiisa iyadoo ay da’diisu tahay 36 jir, laakiin haddana waxa uu qorshaynayaa inuu mar kale sii beddelo naadiga uu u ciyaarayo oo uu taariikhdiisa ku darsado Boca Juniors oo ka dhisan waddanka Argentina.
Dani Alves oo ka jawaabayay su’aalo laga weydiinayay barta Instagram ayaa wax laga weydiiyey haddii uu kooxda Boca Juniors kusii darsan doono liiska dheer ee kooxaha uu u ciyaaray oo uu kaga fadhiisan doono ciyaaraha, waxaanu yidhi: “Ma noqon doonto wax xun inaan ciyaaraha kaga fadhiisto Boca.
“Waad ogtihiin jacaylka aan u qabo Boca, sababtuna maaha waxa ay dadku yidhaahdeen ee ah inay tahay koox weyn, laakiin mar walba waxa la iiga sheegaa wax ka duwan kooxaha kale, waxaana jira xaalado ku qeexaya.”



