Kooxda Man United oo heshiis la saxiixaneysa xidig Caan ah

Heshiiska ayaa wali u baahan dhameystirin, iyadoo Sergej Milinkovic-Savic uu diyaar u yahay inuu dhaqaaqa ugu weyn mustaqbalkiisa sameeyo.

Waxaa lala xiriiriyay kooxaha ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkii hore, Lazio xiddiga katirsan Milinkovic-Savic ayaa mar kale doonaya inuu heer sarre usoo muuqdo xilli ciyaareedka 2019-20.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa la soo warinayaa inuu durba go’aansaday.

Laacibka qadka dhexe ee Lazio Milinkovic-Savic ayaa heshiis afka ah oo uu ugu biirayo Manchester United galay, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Iyada oo mustaqbalka Paul Pogba ee Old Trafford aan la hubin islamarkaaana lala xiriirinayo kooxda Real Madrid, Milinkovic-Savic ayaa u soo muuqday bartilmaameedka ugu weyn Red Devils.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia Milinkovic-Savic – oo lagu qiimeeyo 80 milyan ginni – ayaa ogolaaday inuu u wareego Manchester madaama dunidu ay sugeyso talaabada Pogba.