Ciyaar Xiiso badan oo aheyd finalka Koobka Jeneraal Daa’uud ayaa Galabta ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium Labada Kooxood ee kala ah Banaadir Sports Club iyo LPP Jeenyo .
Labada Naadi oo ay ka dhaxeyso xiflaatan aad u xiisa badan ayaa waxay labaduba soo bandhigeen cayaaro aad u xiisa badan, iyadoo naadiga Banaadir Sports Club ay u suuragashay in ay dhaliso qeybta hore cayaarta labo gool, waxaana qeybta hore lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineysay kooxda Benaadir.
Marka la isku soo laabtay cayaarta ayaa Naadiga LLPP Jeenyo ay soo bandhigtay cayaar aad u xiisa badan, waxaana u suuragashay in ay ciyaarta bareejo ka dhigaan, waxaana ay cayaarta ku soo idlaatay bar bar dhac 2-2.
waxaana loo dhigay intaa kadib Gool kulaad Kooxda Jeenyo ayaa ku Adkaatay Gool Ku laad 4- 2 ah, waxaana sidaa Koobkii Jeneraal Daa’uud ku qaaday LPP Jeenyo.
Dadweyne farabadan oo ka yimid dhamaan Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa galabata Ciyaarta u soo daawsho tagay ,kuwaas oo taageero u ahaa labada koox ee Ciyaarta dhexmartay.


