K/Galbeed oo ka hadashay Dagaalkii Goof-gaduud

Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidanka K/Galbeed iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in ay xaqiijiyeen gacan ku haynta Goofgaduud, sidoo kalena khasaare lagu gaarsiiyay Shabaabka Dagaalkaasi.

Wuxuu sheegay Dagaalka Goof-gaduud in dhankooda looga dilay 4 Askari, sidoo kalena laga dhaawacy Labo kale, waxaana uu sheegay in ay dileen 8 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa saakay u soo cararay dhinaca Magaalada Baydhabo, markii ay xaqiiqsadeen in Shabaabku soo weerareen deegaankaasi.

Ugu dambeyntii Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka, si Shabaab looga guuleysto.