Waxgarad ku baaqay in la joojiyo colaada Gaalkacyo

Mudug-RisaalaFM- Waxgaradka ku nool Gobolka Mudug ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo, taas oo u dhaxeysa Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka oo ku shiray Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland looga baahan yahay in ay si deg deg ah ku joojiyaan Dagaalka Gaalkacyo, oo khasaare badan uu ka dhashay.

Waxa ay sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii ay ku joojin lahaayeen dagaalkan waqtiga badan qaatay ee weli u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka ayaa ugu dambeyn sheegay dadka Dagaalamaya in ay yihiin Soomaali, islamarkaana wax walbo ay ku haboon yihiin in lagu dhameeyo miiska wada hadalka.