Kooxda Chelsea oo Kusoo Biirtay Loolanka Goolhaye Bar Tilmaameed u ah Kooxda Liverpool

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro gool hayaha kooxda Manchester City ee Joe Hart kaasi oo qaab amaah ah ugu maqan kooxda reer talyaani ee Torino kadib markii uu noqon waayay dookha tababare Pep Guardiola.

Hadaba kooxda Chelsea ayaa lala xiriirin inay usoo jeedsadeen saxiixa Joe Hart kadib markii maalmahan xanta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda la isla dhex maray in goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois u ku wajahanyahay kooxda Real Madrid.

Kooxda Liverpool ayaa saxiixa xidigan ku raad joogtay maalmahan u danbeeyay, macallin Jurgen Klopp ayaana doonaya inuu helo bedelka llabadiisa goolhaye ee Simon Mignolet iyo Loris Karius kuwaasi oo hada ciriqooga la saari la’yahay kadib goosha Liverpool noqotay mid si sahlan lagu soo tabto.