Tartanka Kubadda Koleyga haweenka Maamul goboleedyada ayaa waxaa uu si xiiso badan uga soconayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe waxaana iminka soo gaaray heerkiisii kama Danbeysta Finalka waxaana isugu soo haray Banaadir & Hir Shabeelle.
Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Hir Shabeelle ayaa kulan lagu tilmaamay midkii ugu adkaa waxaa ay kaga badiyeen oo ay ku reebeen dhigooda Galmudug oo aad loogu saadaalinaayey iney ugu yaraan Kama danbeeysta soo gaari kareen.
Waxaana qeybihii hore gaar ahaan 10-kii sadexaad kulanka Hogaanka hayey Gabdhaha Galmudug oo ugu yaraan 3 jeesto ku horkacayey,laakiin 10-kii ugu danbeeysay kulanka ayaa HorShabeelle waxaa ay ka faaideyteen Xanaaq ay muujiyeen Macalimiinta Galmudug oo ka murun sanaa go’aan garoorka waxaana ay taaasi sababtay in Hirshabeele ay keenaan ugu danbeystii 49-41 oo ay guushu ku raacdey sidaana Finalka ku gaareen HirShabeelle.
Kulanka kale ee Banaadir iyo Puntland ayaa ahaa mid si weyn u gacan sareeyeen kooxda Banaadir waloow 10-kii daqiiqo ee koowaad Puntland ay hogaanka qabatay laakiin isla tobankaa ayaa laga daba tegey, waxaana wixii a danbeeyey marwaliba kulanka hogaaanka sii dheereysanayey Gabdhaha Xulka Banaadir,
Ugu danbeytii Gabdhaha Xulka Banaadir ayaa waxay guushu ku Raacdey 58-22 sidaana waxay Kama danbeysta la kulmi doonaan kooxda Hir Shabeelle oo sidoo kale Groupka A isku soo arkeen kolkaasi oo Banaadir ay guushu raacdey.
Ciyaaryahanada no-9 ee kooxda Hir Shabeelle Aamino Abuukar Maxamed ayaa Dhaliyaha u sheegtay iney ku faraxsan tahay iney kama danbeysta soo gaaraan, iyadoo sidoo kale Rajeeysay iney ka aarsan doonaan Banaadir oo guul daro ay ka qaateen kulankii Groupka,
Dhinaca kale Suweys Cali Zuzu oo no-9 u qaadata Banaadir isla markaaana loo aqoonsadey Women of The Match kulankii Puntland ayaa rajeeysay iney Koobka geeyn doonaan caasimadda Muqdisho wallow ay xustey in Kubaddu Cad iyo Madoow ay tahay nasiibkuna shaqeyn doono.
C/Xafiid Zaciimka


