Kooxaha Talyaaniga Oo Cod U Qaaday Haddii Xili Ciyaareedka Gebi Ahaantiiba La Kansalayo

Kooxaha horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa cod u qaaday waxa ay ka doonayaan in laga yeelo xili ciyaareedka hakadka ku jira ee aan la dheelin illaa bishii March, kaddib markii uu xanuunka Coronavirus si ballaadhan ugu faafay dalkaas, dad badanna ku dilay.

Kulan degdeg ah oo ay maanta yeesheen kooxaha horyaalka Serie A, ayaa waxay kaga doodeen waxa laga yeelayo xili ciyaareedka, waxaana codbixinta oo ay ka qayb-galeen 20-ka naadi ee  horyaalku ka kooban yahay ay natiijada codbixintooda u gudbiyeen xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga iyo maamulka horyaalka Serie A.

Kooxaha Tonino oo heerka koowaad ah iyo Brescia oo heerka labaad ah ayaa doonayay in la kansalo xili ciyaareedka oo aan dib dambe la iskugu imanin garoomada inta laga adkaanayo xanuunka, hase yeeshee koox kasta oo 20-ka naadi ee sare ka mid ah ayaa codbixinta ku caddaysay inay doonayso in xili ciyaareedku sii socdo oo lagu dhamaystiro jadwal-ciyaareed caadi ah oo aan la kansalin.

Kooxaha Talyaaniga ayaa u diyaar garoobaya inay kusoo laabtaan tababarka marka ay taariikhdu tahay May 18, iyadoo kuwo kalena ay haddaba ciyaartoygooda ku wargeliyeen in ay dalka dib ugu soo labataan ciddii dibedda ka joogtay oo carbiska ay bilaabi doonaan.