Koox ka dhisan Premier League-ga oo ceyrisay tababaraheeda

Kooxda Swansea City ayaa ceyrisay macalinkeeda Bob Bradley kadib markii uu kooxdan masuul ka ahaa kaliya 85 maalmood.

Swansea ayaana hadda leh 12 dhibcood kaliya, kadib markii ay ku bilaabatay qaab ciyaareed liita xilli ciyaareedkan, taasoo sababtay inay fadhiso booska 19-aad ee horyaalka Premier League.

Tababare Bradley ayaana la kulmay toddoba khasaaro, 11-kii kulan oo uu ciyaaray horyaalka, kadib markii uu shaqada ka bedelay Macalinkii hore ee Francesco Guidolin.

Waxa uuna ahaa tababarihii ugu horeeyay ee kasoo jeeda America kaaso abid tababare ka noqda horyaalka Ingiriiska, isagoona horay usoo leyliyay kooxo ka dhisan USA, Masar, iyo Norway.

Kooxda ayaana bogeeda Twitter-ka kusoo qortay: “Swansea City ayaa xaqiijineysa inay kooxda ka ereyday Tababare Bob Bradley”.

Gudoomiyaha kooxda Swansea Huw Jenkins ayaa isna yiri: “Waxaan ka xunnahay in aan weyno Bob ka dib muddo gaaban uu nala shaqeeyay”.