Maxaa kusoo kordhay xaalada Martial iyo Manchester United?

Wakiilka weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial ayaa sheegay in xidigan Faransiiska ah uu ka tagi karo Old Trafford bishii Janaayo haddii ay dalab rasmi ah miiska soo saarto kooxda ka dhisan La Liga ee Sevilla.

20-sano jirkan ayaa kusoo bilowday kaliya todoba kulan oo horyaalka ah iyadoona tababaraha reer Portugal Jose Mourinho uu uga digay in ciyaaryahankan inuu hagaajiyo qaab ciyaareedkiisa, haddii uu doonayo inuu markasta uu ka mid noqdo safka koowaadd.

xiddigii hore ee Monaco ayaa ahaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan United xilli ciyaareedkii hore, isagoona dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee uu kaga soo biiray kooxda ka dhisan Ligue 1 lacag dhan £36 million.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegayay in Martial uu ka tagi doono kooxda Manchester United, isagoona kal hore yiri xidigan Faransiiska ah: “Sevilla waa koox boos fiican kaga jirta Horyaalka Spain ee La Liga, waxa ayna heystaa tababare weyn, laakiin hadda wax badan kama dhihi karo”.

Iyadoona hadalkan uu shaki badan galiyay joogitaankiisa Old Trafford.