Koox Ka Dhisan Horyaalka Seria A Oo Iska Diiday Inay Iibsato Mario Balotelli.

Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa lagu soo waramayaa inuusan hada heeysan koox uu si dhab ah kaga helo boos joogta ah waxaana luntay kalsoonidii uu lahaa sanadihii ugu dambeeysey.

Ma dhacdo badnaa in koox ay iska diido ciyaaryahan, waxaa la arkay kooxo badan oo aan jecleeyn in Balotelli ay soo dhoweeyaan xitaa kooxdiisa Liverpool waxaa ay u sheegtay inaan loo damaanad qaadikarin boos joogta ah.

Hada , Kooxda wadanka Itay ee Sassuolo ayaa waxaa ay sheegtay inay iska diideen inay iibsadaan Mario Balotelli kadib markii loo sheegay inay iibsadaan.

Gudoomiyaha kooxdaas Giovanni Carnevali ayaa si cad u sheegay in xidigaan aan dooneyn , mana u helikarno fursad aan ciyaarayahnka ku ciyaarsiino.

Maadaama hada uu joogo kooxda Liverpool , xidigaan ayaa hadana tababar la sameeya xidigaha Liverpool gaar ahaan kuwa da’dooda ka hooseeysa 23 sano.

Gudoomiyaha kooxda Sassulo waxaa uu yiri ” Mino Raiola ayaa noosoo bandhigay iibka xidigaan , laakiin waan iska diidnay anaga,” ayuu u sheegay Zona11pm show.

Xidigaan ayaa u saftay kooxda Ac Milan uu amaah ku joogay 20 kulan waxaana kaliya uu dhaliyey hal gool.