Badmaaxiintii Markabka Xamuulka MV Abdullah oo dib ugu laabtay dalkooda

Badmaaxiintii Markabka Xamuulka MV Abdullah ayaa  dib ugu laabtay dalkooda .
Markabkaasi oo ay la socdaan 23 Badmaax ayaa waxa uu shalay  ku xirtay Dekedda magaallada Chattogram ee Xeebaha K/Bari ee dalka Bangladesh.
Badmaaxiinta waxay dib ula midoobeen Qoysaskooda oo ku soo dhaweeyey Dekedda magaallada Chattogram.
Sidoo kale, Duqa magaallada Chattogram, M.Rezaul Karim Chowdhury iyo Madaxa Dekedda Chattogram, Admiral Mohammad Sohail iyo madax ka tirsan Shirkadda SR Shipping Limited ee leh Markabkaasi ayaa ka qeyb galay Soo-dhaweynta Badmaaxiinta.
Badmaaxiintaasi oo muddo 32 maalmood afduub loogu haystay Xeebaha Somalia ayaa waxaa la sii daayey bishii la soo dhaafay ee April 14-dii, kadib, markii Burcad-baddeeda Soomaalida la siiyey Lacago Madax Furasho oo dhan 5 milyan oo Dollar.