Maxkamdda Racfaanka G/ Banaadir oo maanta go’aan ka gaareysa Kiiska Ninkii Xaaskiisa Gubay

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka soo saareysa kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto in uu xaaskiisa Luul Cabdi Casiis gubay islamrkaana ay u geeriyootay dhaawac  soo gaaray .

Maxkamadda  Racfaanka gobolka Banaadir  ayaa 3 fadhi oo hore la horgeeyay  Maxkamdda  kuna dhageysatay  kiiska  Sayid Cali.

Ehelada Sayid-Cali ayaa  hore rafcaan uga soo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday  Sayid Cali Macalin Daa’uud maxkamadda G/Banaadir.

Soomaalida ku sugan Gudaha dalka iyo Dibada ayaa indhaha ku haaya Natiijada ka soo bixi doonta  Kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud.