Ra’isal wasaaraha dalka Slovakia oo la toogtay

Ra’isal-wasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa la sheegay in galabta la dhaawacay, kadib, markii nin oday ah uu tacshiirad huwiyey Ra’isul-wasaaraha oo ku sugnaa afaafka Aqalka Dhaqanka ee Degmadda Handlova.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Slovak waxay xaqiijisay inuu dhacay Isku-day lagu khaarijin lahaa RW Robert Fico.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in Ra’isal-wasaare Fico dhowr xabbad looga dhuftay Laabta iyo Saableyda, lana dhigay Isbitaal ku yaalla Degmadda Banska Bystrica oo aad uga fog Caasimada dalkaasi ee Bratislava.

Xaallada Ra’isul-wasaaraha dalka Slovakia ayaa la soo weriyey inay aad u liidato.

Ciiddanka Ammaanka RW Robert Fico waxay qabteen Oday 71 jir ah oo ka soo jeeda magaalladda Levice ee Galbeedka dalkaasi.

Ma kala cadda waxa sababay Isku-dayga lagu khaarijin lahaa RW Slovakia, Robert Fico.