Goolhaye Bravo Oo Hadda U Duulay England Iyo Heshiiska Oo goor dhow La Dhameystiri Doono

Claudio Bravo ayaa gaari doona England galabta oo talaado ah si uu si rasmi ah ugu biiro kooxda Manchester City, Goal ayaa xaqiijisay goor dhaw .

Tababaraha Sky Blues Pep Guardiola ayaa u arka Bravo No.1 ee kooxdiisa xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu go’aansaday in Joe Hart uu ka diro kooxda.

Goal ayaa ogaatay in Bravo uu ku dhawaad laba jibaar mushaarkii uu ka qadan jiray lasiin doono, isagoo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah.

Goolhayaha reer Chile ayaa kula guuleystay Copa America laba jeer dalkiisa, waxaana uu mushaar ahaan kaga qadan jiray sanadkii € 3.5 milyan garoonka Camp Nou, laakiin waxaa la siin doonaa € 6m marka uu u saxiixo kooxda City.

Bravo ayaa lagu dhawaaqi doona heshiiskiisa ka hor kulan City habeen dambe ciyaaraha play-off Champions League ku wajaheyso Steaua Bucharest.