Muqdisho-RisaalaFM- Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa caawa xaafada koodka ee degmada Xamar Weyne gaar ahaan agagaarka xarunta Gobolka waxa ay ku dileen nin dadka degaanka ay ku sheegeen inuu ka mid ahaa Ganacsatada suuqa weyn ee degmadaasi.
Dableyda dilka geysatay ayaa marxuumka oo lagu magacaabi jiray Muuse Mackow waxa ay dhowr xabadood kaga dhufteen qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen, maadaama ay gaareen dantii ay lahaayeen, oo aheyd in dilaan ninkaasi.
Dilka kadib sida caadada aheyd waxaa goobta soo gaaray Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka dagaalka, goobta ayay ka qaadeen meydka Marxuumka, waxayna caawa halkaasi ka bilaabeen baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo in gacanta lagu soo dhigo gacan raggii dilka geystay.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Marxuum Muuse uu Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ugeyn jiray cabitaanka noocyadiisa kala duwan iyo qudaarta isagana ka soo qaadan jiray Tufaaxa iyo Ukunta, uuna dhexmari jiray ganacsi.
Maamulka Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay ku baxeen dilkan, waxayna tilmaameen in lagu daba jiro kooxihii dilka geystay, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.
Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan mararka qaar uga dhaca Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, inta badan dilalka nuucaan oo kale ah waxaa geysta ururka Al-shabaab.
Maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka qorsheysan ee ay gaysan jireen Kooxaha Bistooladaha wata, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay hawlgalada lagu sugaayo ammaanka caasimada Muqdisho.



