Xaaladaha Coronavirus ee Koonfur Afrika ayaa la xaqiijiyey in ay kor u dhaaftay 200,000.
Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa sheegtay in tirada maalinlaha dadka uu ku dhacay Corona virus ay sii kordhayso maalinba maalinta ka dambeysa.
Wasaaradda caafimaadka ayaa soo tabisay 8,971 xaaladood oo cusub, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 205,721.
Ku dhawaad seddex meelood meel ayaa ku sugan gobolka Gauteng, oo ay ku jiraan Johannesburg iyo caasimada Pretoria.
Qaaradda Afrika guud ahaan waxay leedahay in kabadan 477,000 kiis oo la xaqiijiyay.



