Koonfur Afrika: Goobo Ganacsi Soomaali leedahay oo la boobay

Kooxo Burcad Koonfur Afrikana ah ayaa boob kula kacay Ganacsiyo oo qaarkood ay Soomaali leeyihiin oo ku yaalla  deegaanka lagu Magacaabo Soweto ee magaalada Johannesburgee dalkaasi Konfur Afrika

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay in boobkaasi uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen ganacsade iyo macamiilkiisa isla markaasna ay ka caroodeen dadka degaanka taas oo keentay in ku dhowaad boqol dukaan la boobo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in  Soomaali iyo Itoobiyaan ganacsato ah uu dhaawac kasoo gaaray iska hor imaadkaas ka dhacay eegaanka lagu Magacaabo Soweto ee magaalada Johannesburgee dalkaasi Konfur Afrika.

‘’Waxaa bililiqo loo geeystay dhaamaan dukaanadoodi iyagoo ay geesteen dadka u dhashay deegaankaa, iyaga oo aan kala sooceyn ganacsiyada,waana dhibaato cusub oo soo wajahday Gnacsatada Ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika  ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas”.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan ku leh, waxaana inta badan ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira, dil, hanjabaad iyo in si barer ah loo boobo Hantida, iyada oo dhibaatooyinkaas ay kordheen sanadkaan 2019.