Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ku wajahan Kismaayo

Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa la filayaa inay Maanta tagaan  Wafdi ka socda Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeyaha Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan iyo Xubvno kale.

Wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Xubnaha musharixiinta mucaaradka,iyada oo Kismaayo ay haatan ku jirto xaalad la xiriirta doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan oo safarkaan uu noqonayo markii labaad ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in Madaxda Jubbaland uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka iyo tabashada ay qabaan musharixiinta qaarkood.

Horay Magalada Kismaayo waxaa u tegay Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD,kuwaas oo kulamo la qaatay,madaxweynaha Jubbaland, Musharixiinta isdiiwaangeliyay iyo kuwa aan is diiwaangelin, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Bulshada rayidka iyo Xubnaha Guddiga doorashooyinka.