liverpool oo markii Afaraad ku guuleysatay UEFA SUPER CUP

Kooxda Liverpool ayaa xalay ku guuleystay koobka UEFA Super Cup markeedii afaraad kaddib markii ay rigooreyaal kaga badisay kooxda Chelsea kulanka waxa uu ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Ciyaarta oo aad u xisio badneyd  ayaa waxaa ku dhammaatay guud ahaan barbaro 2-2 oo ay labada kooxood isla dhaafi waayeen,hayeeshee waxaa  loo baahday in labada kooxood markale lagu kala saaro gool ku laadyo waxaana rigooreyaal 5-4 ku adkaatay kooxda Liverpool.

Kooxda Kubadda Cagta liverpool oo ka dhisan dalka ingiriiska waa markii Afaraad ay ku guulaysato UEFA SUPER CUP.