Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu hakiyay wada shaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu akhriyay Afhayeenka dhawaan la magacaabay, Ugaas Xasan.

Dawlad-gobaleedkan ayaa si rasmi ah u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh  iyo xukuumadiisa ay ka shaqeynayeen kala qeybsanaanta dalka, tixgalin la’aanta nidaamka Federaalka, iyo abaabulida ficillo amni-darro oo laga sameeyey qaar ka mid ah deegaanada Koofur Galbeed.

Sidoo kale, maamulka Koofur Galbeed ayaa caddeeyay in ilaa laga helayo dawlad u dhaqanta nidaamka Federaalka aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan doonin dhinaca Dowladda Federaalka, taasoo muujineysa xiisad sii kordheysa u dhexeysa labada dhinac.

Talaabadana ayaa Sui hurin karta xiisada u dhexeysa labada dhinac ah, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xooggan ay ka socdaan deegaanada Koofur galbeed.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.